Muxaadaro Tijaabo Ah ama baroobo qoraal ah By Dr Maow

Bismilaah, Al xamdulilaah wa salaatu wasalaam calaa rasuulilaah, Salalaahu Calaayhi

Wasalam, Allaahuma Wa fiqnaa Limaa Tuxibu wa tardhaah. Wa Bacd !
Marka hore walaalayaal ilaah baan Subxaanahu wacaalaa Umahadcelineeynaa Allaah

Tabaaraka watacaalaa Nimcadiisa Iyo Nimcooyinkiisa faraha badan aan la koobi karin oo

ina siiyey hadeey ahaan laheeyd caafimaadka,jiritaankeena oo weliba alaah inaga dhigay

dad Muslimiin ah.  Marka walaalayaal waxaan Si tijaabo ah u soo jeedinayaa Muxaadaro

Ku saabsan.  (( Ciyaadatul Mariidh )) Qofka xanuunsan oo aad soo booqato iyo

faaiidooyinka aad ka heleeyso iyo weliba ducooyinka aad ugu duceeyneeyso. Qofka

xanuunsanaya oo agtaada jooga faaiidada aay leedahay.
Matalan:walaakaa,saaxiibkaa,ehelkaada,deriskaada islaamka ah/ iyo deriska gaalka ahba
Waxaan Ku hormarayaa Mida maskaxda ku soo hormari karto dabcan oo ah deriska

gaalka ah sidee loo booqanayaa maxaanse ka helayaa ? su'aal cajiib ah balse waxaa ku

dayasho mudan xabiibkeena Nabiyullaahi Muxamed Salallaahu calaayhi wa salaam .

Xadithkaan waxaa wariyey Anas Binu maalik **  Radiyalaahu canhu, Waxaa uu Yiri

Rasuulka  Salallaahu calaayhi wa salaam Ayaa boodey Nin yahuudi ah oo u qidmeeyn

jirey (( macnaha shaqaalo ayuu u ahaa )) Marka halkaas waxaa ku cad in hadii gaalka uu

ku wanaag falaya la booqan karo hadii uu xanuun sado  kadibna aad u soo bandhigto

diinta** hadi alaah markaas hanuun la doono waa uu kaa aqbalayaa waadna gudatey

waajibkii iyo xilkii kaa saarna dintaada ** Allaahu akbar.  Marka rasuulaka sala laahu

calaayhi wa salaam uu buuqdey ninkaas yuhuudka ah waa uu ag fadhiistey waxa uuna

yiri Aslim = War diinta soo gal rasuulka sala alaahu calaayhi wa salaam waxa uu sidaas

ku yiri wiilkii yahuudiga ahaa ee u shaqeen jirey . Wiilkiina  waxa uu milicsadey, ama

eegey amaba u jeesteyba  dheh dhinaca aabihii oo aan ka fogeeyn , aabihii yuhuudigaa

ahaa waxa uu durbaba bilaa hakad ku yiri wiikiisii isagana yahuudiga ahaa Adec ! Adeec

abal qaasim...... marka qofka gaalka xitaa waa la booqanaayaa..aabihiin ayuhuud buu

ahaa waxa uuna ogaa in waxa nabiga scw uu wado uu xaq yahay ( aabahana yuhuud

buu ahaa )) Rasuulkuna waxa uu yiri al xamdulilaah aladii anqadahu mina naar = waxaa

Mahad u sugnaatey Allaaha ka koriyey naarta... Marka hadii uu xanuunsado gaalka kuu

asxaan sameeyaa ma u tageeysaan ? mase waa gaal oo waxaad leedihiin war gaalkii

wuu xanuunsadee alloow naarta geee ( la' ha sameeyninaa sidaas Rasuulka ma

sameeyn waxaana ku dayasho mudan Rasuulka sal allaahu calaayhi wa salam. Intaas

waxaanuga baxay Qeeybtii koowaad oo aheed mala booqanayaa Qofka xanuunsan oo

gaalka ah / amaba deriska sidaan bilowga ku xusay.   Qodobka labaad aan ku xejinaayo

waa maxay ?  Jawaabtu waxaa weeye. Maxaa faaiido ka helayaa Hadii aan booqdo qof

xanuun san ? jawabtaada waa tan ee dhgaha si fiican u fur . Marka Xadithkaana waxaa

wariyey Cali binu abii Daalib* Radiya laahu canhu* Waxa uu yiri, Qofka Muslimka Ah hadii

uu boqdo walaalkale oo muslim ah goor aay tahay aroor 7000 kun oo malaig baa u

duceeyneeysa ilaa goorma ? Ilaa casirkii hadii uu casirkii booqdana waxa u

duceeyneeysa ilaa 70,000 kun oo malag ilaa goormaa ? Jawaab Ilaa subaxi . Aw xataa

yusbix.. wakaana lahu qaliifun fil jannah. aay thamaraatul janah beer jano ayuu ku sugan

yahay inta uu qofka walalkii ah l ajoogo walaalka xanuunsan uu booqdey.waana waa jib

ka mid ah wajibka uu kuleeyahay qofka muslimka ah oo ( shanta waa jibka ah ah ee uu

kuleeyahay walaalka kale muslimka ah ) ( marka aniga mid baan ka soo qaatey ) Balse

aan idin xasuusiyo shanta waajib 1aad. hadii muslim ku salaamo in aad k aradido .. waa

xaq uu kugu leeyahay
2aad.. wa tashmiitul caatish. markuu uu hindhiso waa in aad tiraahdaa yar xamaka laah

wa amarkuu yiraahdo al xamdulilaah
3aad.. qofka xanuunsan ee walaakaa ah waa in aad soo booqato..
4aa. watibaa cul al jinaazah.( iyo in aad janaasada raacdo )  shanaad baa iga maqan

insha Allaah ardeyda ii soo diri doonta. ... .. Qodobkii labaad Halkaas Ayaan ku

dhameeyey. Waxaana wariyey xadiithkii koowaad aan ka soo hadley Anas bin Maalik..

booqashadii yahuudiga rasuulka salala laahu calaayhi wa salaam , Hadithkaan aan hada

dhameeyey Asagana waxa wariyey Cali bini abii daalib* radiallaahu canhu waxa uuna ku

saabsanaa  maxaan faaiido ka helayaa hadii aan booqdo walaal kale oo islaam ah iyadan

halkaan baan ku cadeeyey.  Marka qeeybta sadexaad oo aan ku soo gaba gabeeynaayo

Muxaadaradeeydaan tijaabada ah  Madaama aan dhaalibul Cilmi ahay waxaa dhici karta

in la duubto marka waa cadeeyn in aanan aheeyn shiiq.. Allaahu akbar alaah baa

mahadaas is ka leh nafahansiiyey intaas. Qeeybtaana waa Ducooyinka Rasuulka ugu

duceeyn jirey. iyo sida uu sameeyn jirey. Waxaana warisey Caaisha Radiyalaahu Canhaa

'' kaana yacuudu bacda ahlihi yamsaxu biyadihi al yumnaa. kacantiisamidig ayuu ku

masixi jirey qaasatan wejiga ayuu kaga masixi jireyWayaquul  . Allaahuma =Alahayoo

Rabb'a Al Naas.=rabiga dadkoow ! Adhabil  baas =dhibka ka qaad Washfi = Shaafi  Anta

Shaafii = Adigaa shaafiyo'ee - laashifaa'a = Caafimaad majiro ! Ilaa shifaa'uk =

Caafimaadkaga mooyee shifaa 'an = oo shaafi laayuqaadiru Hakureebin Saqama =

(Xanuun )! = Alahayoo rabiga dadkoow dhika kan dhibka ka qaad shaafi caafimaad sii

caafimaad majiro ilaa caafintaada mooyee caafimaad sii  Caafimaadkaasoo ka xayuubiya

xanuunka saaran oo aan k atagin wax xanuun ( mutafaqun calaayhi ) Ducadan kalena

waxaa wariyey Sacad binu abii waqaas*wariyey. waxa i soo booqdey rasuulka, xajatu al

wadaac ayuu booqdey wadnaha ayaa xanuunayey Rasuulka: scw Alaahumashfi sacdaa

alaahumashfi sacadaa alaahumashaafi sacadaa. 3 jeer Ayuu ku celi celiyey Rasuulka sala

laahu calaayhi wa salaam ... Ducada Ugu danbeyso muxadaradeeyda tijaabada waxaa

wariyey xaditthkaan Abii cabdilaah* = cuthmaan bini abii caas*Radiyaalahi canhu  .

jirkiisa aya xanuunay siduu diinta u soo galayba wuu xanuun sanayey marka rasuulka uu

u cawday. rasuulka: scw : Waxaa uu yiri gacantaada midig isa saar meesha ku

hanuuneeysaa  3 jeer waxaa dhahaa bismilaah.    7 jeerna waxaad dhaheeysaa: Acuudu

bicisitilaahi waqudratihi min shari maa ajidu wa uxaadiru. ilaaha cizadiisa waxaan ku

magan galayaa iyo qudradiisa sharta taasoo aan ka cabsanaayo.  Walaalayaal

Muxaaadaradeeydii intaas baan ku soo gaba gabeeyey khalaadka kujirana ilaah haiag

cafiyo macalinkana in uu iga saaxo baan ka codsanayaa Insha Allaah , macalin ilaah

haku siiyo kheyr aduunka iyo midkiisa aakhiraba kan aduunkana alaah kuu da dajiyo

aawlada soo soctana ( ahludiin alaha ka dhigo sidaada oo kale umada ugu faaiideeysa )

awel xaajiyada iyo awlada ayagoo caafimad qaba alaha kala keeno baarina alaaha idin

kaga dhigo. allaaha subxaanau watacaalaa waxaan weeydiisaneynaa waxa khery ah in

uu na waafajiyo wixii gaf ahna oo naga dhacayna in alaah Subxaanahu watacaalaa noo

dhaafo ( hadaa wa bilaahi tawfiiq wa sal lalaahu wa salama calaa nabiyuna amuxamadin

wa calaa aalihi wa saxbihi wa salaam a 15. min. soconee End

---------------------------------------------------------------
13.10.2009 Time. 21:06
Waxaan ka diyaariyey muxaadaradaan cashiro aan ka qaato paltalk Macalinkeyga nagu dhira galiyey in aan soo diyaarinno marki walaal hadii aad qalad ku aragto qoraalkaan sheikh ma qorin waxaa qorey ardey maskiin ah
W. Q. cabdirisaaq yuusuf macoow ( daacad )
fadlan email ii soo dir si aan u saxo qoraalkaan
Riix halkaan

P.s Qoralkaan diyaarintiisa waxaay igu qaadatey shan saacadood