Xigasho BBc Riix Halkaan

Guur kala fog dhinaca da'da   Boqolaal Soomaali ah, ayaa ka qaybgalay aroos ka dhacay Soomaaliya oo nin sheegay in uu jiro boqol iyo labaatan sano uu guursanayay gabar 17 jir ah. Axmed Maxamed Dhoore, ayaa horay u lahaa sideed iyo toban caruur ah oo ay shan xaas u dhaleen, waxaana uu sheegay in damacsan yahay in caruur kale ay u dhasho xaaskan cusub, Safiya Cabdullahi.

Wuxuu sheegayin isaga iyo Safiya ay tuulo ku wada noolaayeen oo ku taalla bartamaha Soomaaliya, uuna sugayay in muddo ah in ay soo korto ka hor inta uusan la socodsiin jacaylkiisa.